Buffon: Dybala waa mid ka mida kuwa dunida ugu wanaagsan

Paulo Dybala waa mid ka mida xiddigaha dunida ugu wanaagsan, sidaas waxaa sheegay Gianluigi Buffon kaddib markii uu Argentinian-ka laba gool ka dhaliyey Barcelona kulankii ka tirsnaa sideed dhamaadka Champions League-ga.

Dybala laba goo loo qurux badan ayuu qeybtii hore dhaliyey halka kan saddexaad uu raacday Giorgio Chiellini qeybtii dambe.

Buffon oo xalay markii toddobaad shabaqiisa ilaashaday Champions League-ga ayaa gacan weyn guushaas ka geystay isaga oo bad baadin la cajiib ah ka sameeyey Andres Iniesta balse waxa uu amaanay saameyntii Dybala.

“Paulo Dybala aad ayuu u koray labadii sano ee la soo dhaafay,” ayuu Buffon u sheegay Mediaset Premium.

“Marka aan la hadlo agaasimeyaasha ama saaxiibadda kubadda cagta, waxaan in badan sheegay in uu yahay mid ka mida shanta ciyaaryahan ee dunida ugu sarreeya aadna ugama dambeeyo saddex ugu wanaagsan.

“Sidaas oo aan iri, waxaa laga doonayaa in uu cadeeyo mar walba iyo si xiriir ah, si uu u muujiyo qiimaha uu u leeyahay filashada aan ka qabno.”