BUNDESLIGA: Borussia oo Dubatay Bayern Munich

Kooxda Borussia Dortmund ayaa guul muhiim ah ka gaartay dhigeeda Bayern Munich oo marti u ahayd kadib markii ay uga adkaadeen 1-0.

Borussia ayaa si dardar leh ku bilaabatay ciyaarta, weerar yahankooda Aubameyang ayaana hogaanka u dhiibay kadib markii uu daba mariyay Neuer kubadd uu ka helay saaxiibkiis Mario Gotze daqiiqadii 11-aad.

Kooxda macalin Ancelotti ayaa isku dayday inay soo barbarayso ciyaarta, laakiin qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 1-0 oo Borussia ay hogaanka ku haysay.

Qaybtii dambe kooxda Bayern Munich ayaa ku soo gashay ciyaarta weerar waali ah oo aan kala joogsi lahayn si ay u soo barbareeyaan goolkii looga hormaray.

Franck Ribery ayaa soo taabtay shabaqa kadib markii uu kubadd cirib ku dhaliyay laakiin garsooraha ayaa diiday goolkaas maadama uu garab dhaaf ku jiray.

Ciyaarta ayaana ugu danbayntii ku soo idlaatay 1-0 oo guushu ay ku raacday Borussia Dortmund, waa guul daradii ugu horaysay ee soo gaarta Bayern horyaalka Jarmalka xiliciyaareed kan.

cxpsa4lxuaa-73x

cxpsdunwiaabm1p

cxpszynxcaahyke