caalamka oo Maalinta dhallinyarada Adduunka laga xusayo

Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 12-ka Augost 2016-ka,ayaa waxaa meelo badan oo dunida ka mid looga debaal degayaa xuska maalinta Dhallin yarada adduunka, iyadoo sanad waliba loogaga hadlo mowduuc gaar ah.

Sanadkan 2016-ka ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii dhallinyarada looga caawin lahaa sare u qaadista mihnadaha ganacsiga iyo wax soo saarka dhanka dalagyada beeraha.

Waddamada la baxay deeq-bixiyayaasha ayaa u qoondeeyay inay 1.6 Milyan oo qof oo ku kala nool 29 dal, inay ka caawiyaan xagga tasiilaadka,kuwaasoo isugu jira jira Rag, Dumar iyo carruur.

Xuskan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ay maalmihii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya qabanaysay kulamo lagu baraarujinayo sidii ay Dhallinyarada ugu qayb qaadan lahaayeen nabad gelyada dalka iyo shirar looga hadlayay dhiirri gelinta ganacsiga Haweenka.