Cabdi Raxmaan Faroole oo Naqdiyay Hadalka Gudiga doorashooyinka dadban.

Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed  Faroole oo ka tirsan Xubnaha Aqalka sare ee dalka, ayaa ka soo horjeestay hadal ka soo yeeray  gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dalka Cumar Maxamed Cabdulle Dhagey.

Senator Faroole ayaa iska diiday hadalkii ahaa in Xildhibaanada cusub ay yimaadaan Magaalada Muqdisho si ay u qaataan kaararka Aqoonsiga Xubinimada Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in uusan hadalkaasi aheyn mid uu ku hadlo qof mas’uul ah ,islamarkaana xildhibaanada Puntland Kaararka Aqoonsiga ay haboon tahay in loogu keeno Magaalada Garoowe.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee dalka, ayaa horay u sheegay in Shahaadooyinka ay ku siinayaan Xildhibaanada cusub Magaalada Muqdisho.