Cali Xaaji Warsame oo Eedeyn Tii ugu Xumeed u jeediyay Xasan Sheekh.

Cali Xaaji Warsame oo kamida musharixiinta kasoo jeeda degaanada maamulka Puntland ayaa sheegay in gudiga doorashooyinka aya doonayaan qorshe ay ku dadajinayaan doorashooyinka dalka kadib markii marar badan ay dib u dhacday.

Waxa uu sheegay in taasi ay tahay mid dana gaar ah laga leeyahay islamarkaana muhiim ay tahay in barlamaanka cusub ee wali ay socoto dorashadiisa loo madax baneeyo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhibaata hada ka jirta dalka uu sabab u yahay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday xasan sheekh Maxamuud.

Shacabka ayuu ugu baaqay inay  kacdoon sameeyaan si buu yiri loogu hortago falal guracan uu ku dhaqaaqayo Xasan sheekh maxamud.