Real Madrid waxa ay booqan doontaa Portugal kulan ka tirsan Champions League.
Ronaldo oo saddexley toddobaadkan soo dhaliyey ayaa isna ku laabanaya meeshii uu ka soo bilaabay kubadda cagta!
Maxaa Real ka cusub?
-Sergio Ramos wali taam ahaanshihiisa shaki yar ayaa ku jira
-Toni Kroos wali wuu dhaawacan yahay
-Pepe iyo Casemiro in ay kulankan seegaan ayaa la filayaa
-Alvaro Morata muruq ayaa ku booday kulamadii qaramada, bil ayuu garoomada ka maqnaan doonaa
-Cristiano Ronaldo saddexleey ayuu ka dhaliyey Atletico Madrid xilli uu weerarka dhexe dheelayey, Karim Benzema taam ma ahayn, laakiin kulankan waa u diyaar
RAAD RAAC
-Real Madrid wey ka badisay Sporting CP saddexdii kulan ee ugu dambeeysay dhammaan tartamada
-Real Madrid 8dii kulan ee ugu dambeeysay guul darro lama kulmin
SAFAFKA LA FILI KARO
Garoonka: Jose Alvalade
Waqtiga Geeska Africa: 10:45Pm
Garsoorah: William Collum (Scotland)