Champions League: Tababare Zidane Oo Soo Saaray Liiska 20-ka Ciyaartoy Ee Kulanka Sporting CP Ee .

Tababare Zinedine Zidane ayaa soo saaray liiska 20 ka ciyaartoy ee kooxdiisa Real Marid uga qayb gali doona kulanka Champions Leaque-ga ee Sporting CP, waxayna Real Madrid haddaba soo gaadhay magaalada Lisbon ee dalka Portugal. Real Madrid ayaa dhamaysatay tababarkii ugu danbeeyay ee ay Madrid ku qaadatay ka hor intii ayna Portugal u duulin.

Toni Kroos, Casemiro iyo Pepe ayaa wali Real Madrid ka sii maqan laakiin Zidane ayaa magacaabay koox uu ka soo xulan karo shaxdiisa ugu fiican. Isco oo isku muujiyay kulankii Madrid Derby ayaa markale la filayaa in uu booskiisa sii ilaashan doono laakiin waxay xaaladu wali ku xun tahay James Rodriguez.

Sergio Ramos iyo Karim Benzema oo kulankii Madrid Derby kaydka ku jiray ayaa rajaynaya in kulanka Champions Leaque-ga ee Sporting ay dib ugu soo laaban doonaan shaxda Los Blancos. Cristiano Ronaldo ayaa dib ugu laabtay magaaladii uu waayihiisa ciyaareed ka soo bilaabay ee Lisbon.

LIISKA REAL MADRID EE KULANKA SPORTING:

Goolhaye: Keylor Navas, Casilla , Yáñez.

Difaaca: Carvajal, Ramos, Varane, Nacho, Marcelo, Coentrão , Danilo.

Dhexda: James, Kovacic, Modric, Asensio,  Isco.

Weerarka: Cristiano Ronaldo, Bale, Benzema, Lucas Vázquez ,Mariano.

cxyjf3oxgaacowl

cxym4kxxaaaz4of

cxynxvkw8aa5yuk

cxynye6wqaa4ucb