Chelsea Oo Horyaalka england hogaanka uqabatay maxuu macalin conte ka badelay kooxda————

Kaddib markii ay Chelsea hogaanka u qabtay horyaalka Premier League tababare Antonio Conte ayaa aaminsan in kooxdiisa ay leedahay awood jireed iyo mid farsamo ay kula tacaali karto jadwalka mashquulka badan ee Premier League.

Guushii ay xalay ka gaareen Middlesbrough ayaa waxay ka dhigan tahay in Blues 6-kulan oo xiriir ah dhinaceeda dhulka la dhigi la’yahay isla markaana xitaa shabaqeeda la soo taaban la yahay.

Conte oo hadlay kulanka kaddib ayaa yiri:

“Waxaan aaminsanahay inaan diyaar nahay, diyaar ayaan u nahay inaan ciyaarno kulamo badan maalmo yar gudaheed, maxaa yeelay bilowgii kal ciyaareedka si adag ayaan u shaqeynay, ma ahan oo kaliya dhinaca taaktikada laakiin sidoo kale dhanka jir ahaaneed.

“Waan sii wadi doonaa inaan shaqeyno maxaa yeelay horyaalkan waa muhiim inaad kulan kasta heysato quwad sare aadna orodo bilowga ilaa dhammaadka.

“Sidoo kale waa muhiim inaad heysato farsamo fiican iyo xirfad dabiici ah, laakiin haddii aad labadaas ku xirto jir dhisnaan, aniga ahaan waa muhiim.

”.conte-cropped_1vib738jgtueo19z5tebznhujn