Ciidamada AMISOM oo Qarax Xoogan lagula Eegtay Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa Kolonyo ay la socdeen Xoogaga Midowga Afrika ee AMISOM waxaa lagula eegtay Waddada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Kolonyadan oo ka soo baxay Isbartiibada , kuna sii jeeday Wasaarada Gaashaandhiga ayaa Qaraxa waxaa lagula eegtay Ceelka Caafi ee Waddada Warshadaha, sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay dad gobjoogayaal ah.

Ciidamada AMISOM ayaa Qaraxa kadib waxey fureen rasaas xoogan, waxaan halkaasi ku dhaawacmay gabar yar, sida goobjoogaha uu sheegay.

Waxaa sidoo kale aan nolol iyo gaari aan lagu heyn haweeney la sheegay in caano ay ku iibineysay halka uu Qaraxa ka dhacay, iyadoona Qaraxa uu saameeyay mooto bajaaj meesha ku baakinneyd.

Xoogaga AMISOM ayaa xiray halka Qaraxaasi miino lagula beegsaday, waxaana sidoo kale ay wadaan howlgallo baaritaano ah oo la xiriira weerarkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro burbur ah oo gaaray Kolonyadii ay wateen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.