Ciidamada Dowlada oo Maanta Howlgal ka wada Deegaanka Goof-gaduud

Wararka ka Imaanaya Deegaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayan in Howlgal Balaaran uu ka socdo Deegaanka kadib Markii Shalay Galabtii ay dib ula wareegen Ciidamada Huwanta oo Alshabaab dagaal uga qabsaday Magaalada.

Howlgal wuxuu yahay Mid lagu Baaraayo Guryaha qaar ee Magaalada ku yaala Iyadona saraakiisha Howlgalka Hogaamnaya ay sheegen in la baadi goobaayo Xubno ka tirsan Alshabaab oo Magaalada ku dhuumaaleysanaya.

Ciidamada Dowlada Dagaal ayaa shalay Subaxdii looga saaray Goof-gaduud Alshabaab ayaana Magaalada soo gashay Mudo saacado ah kadib Ciidamada Dowlada oo garab ka helaya Kuwa Amisom aya au suurta gashay In Markale ay dib ula wareegaan Gacan ku heynta Deegaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay.