Ciidamada Galmudug oo Saakay Deegaanka Godinlabe kula dagaalamay Maleeshiyaad Isbaaro dhigtay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saakay ka dhacay deegaanka Godinlabe oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka ayaa waxa uu u dhexeeyay ciidanka maamulka Galmudug iyo sidoo kale Maleeshiyo hubeysan oo isbaaro dhigatay deegaanka Godinlabe.

Saraakiil Ka tirsan ciidanka maamulka Galmudug oo la hadlay idaacadda Risaaala ayaa sheegay in ay isku dayeen in ay qaadaan isbaarooyin dad lagu dhibaateynaayay oo yaalay deegaanka Godinlabe ka dibna maleeshiyaadkii isbaarada dhigatay  ay dagaal kala hor yimaadeen ciidanka maamulka Galmudug.,

Gaadiidleyda halkaasi istcimaasha ayaa muddooyinkii dambe waxa ay ka cabanayeen jidgooyada Maleeshiyadaasi hubaysan ay dhigteen, balse saaka ayaa waxaa halkaasi ku baxay ciidamada Galmudug.

Horay ayaa dagaal u dhaxeeya ciidanka Galmudug iyo sidoo kale maleeshiyo hubeysan waxaa uu ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug , waxaana ciidanka Galmudug ay guuleysteen in ay qaadan isbaarooyinkii Yaalay duleedka Gaalkacyo.