Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyanaiga oo soo Bad baadiyay Tahriibayaal Soomali u badan

ciidamada illaalada xeebada dowladda talyaaniga oo howlgallo ka sameeyay xeebaha dalka liibya ku soo bad baadiyay kumanaan tahriibayaal ah oo saarnaa doomo yar yar.

Ciidamada ayaa sheegay in tirada tahriibayaasha la soo bad baadiyay ay aad u badan yihiin taasna ay muujineyso xasilooni darada jirta ee sii baaheysa.

Dadka tahriibka ah ayaa intooda badan ka soo carara dhibaatooyinka baahsan ee ka jira dalalkoda, waxaana marin u ah liibya.

Xasilooni la’aanta ka jirta dalka Liibya ayaa waxaa ay ka dhigtay in ay marin uu u noqdo tahriibiyaasha ka imaanaya woqooyiga Afrika isla markaana ku taamaya in ay u gudbaan qaaradda Yurub.

Ma ahan markii ugu horeysan oo tahriibayaal laga soo bad baadiyo xeebaha liibya.