Ciidamada Itoobiya oo Saakay isaga Baxay Deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud

Wararka saaka ka imaanaya Deegaanka Bud bud ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada ay isaga baxeen saaka Bud bud ka dib markii shalay ay dadka deegaanka usheegeen in ay biri subax ay halkaa isaga baxayaan waxa ayna U Ruqaansadeen Deegaanka Moqakori sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Lama oga sababta ka dambaysa Ka bixitaanka Ciidanka Itoobiya ee Deegaanka Bud bud ee Gobolka Galgaduud.

Dadka Deegaanka ayaa waxaa soo wajahday Baqdin xoogan oo ku aadan ka bixitaaanka Itoobiya ee Deegaankaasi Inkasto sidoo kale Ciidanka Itoobiya ay la socdaan ciidamo Soomali ah.

Deegaanka bud bud ayaa mudo ku dhaw laba isbuuc aan laheen wax anteena ah ka dib wadooyinkii soo gelayay oo Alshabaab ay xireen ka dibna Shidaal la.aan loo demiyay shirkadaha.

Dhinaca Kale Alshabaab ayaa la Sheegay in ay ku wajahanty Deegaanka oo Saakay ay Faarujiyeen Ciidanka Itoobiya.

Ciidamada itobiya iyo kuwa dowlada ayaa horay isaga baxay Galcad waana xaruntii labaad oo ay faarujiyaan.

Lasoco wixii ku soo Kordhaa Insha allah