Ciidamada Kumaandooska oo howl gallo ka bilaabay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa howl galkii u horeeyay ee dhinac dhulka ah ka bilaabay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, iyadoo shalay gelinkii dambe uu dagaal culus ku qabsaday degmada Aw-dheegle.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Kumaandooska ee hoggaaminaya howl galkan ayaa sheegay inay kula wareegeen deegaano dhowr ah oo Al-Shabaab ku sugnaayeen.

Xasan C/qaadir Abuukar oo hoggaaminayay howl galka Ciidamada Kumaandooska ayaa u sheegay wakaalada wararka ee SONNA in howl galkan uu ka duwan yahay kuwii hore, isla markaana ay la wareegeen degmada Aw-dheegle iyo tuulooyinka Bariire, Mubaarak iyo deegaano kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadan ay taageerayaan ciidamo kale oo lagu sheegay inay yihiin ciidamo Mareykan ah.

Ciidamada Kumaadooska oo taageero ka helaya kuwa Mareykanka ayaa muddooyinkii u dambeeyay howl gallo qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka.

Al-Shabaab ayaa dhaq dhaqaaq xooggan ku leh Shabeellaha Hoose, waxaana ay dhowaan dib ula wareegtay deegaano horay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM gacanta ku dhigeen, balse markii dambe isaga baxeen.