Ciidamada Sirdoonka Jubbaland oo Weli u Xiran Xarunta Doorashada ee Maamulka Jubbaland.

Sida uu ku Soo Waramayo Wariyaheena Axmed Daahir Sulub  Maalintii Labaad ayaa waxaa Xiran Xarunta Doorashada Maamulka Jubbaland oo u xiran Muran ku aadan Kuraasta Xubnaha Aqalka Hoose,iyadoona warar qaar ay sheegayaan in Musuq maasuq baahsan uu ka jiro doorasha ka Soconaysa Deegaanada Jubooyinka.

Qaar ka mi ah Ciidamada Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland ayaa hadda waxaa ay Gacanta ku hayaan Xarunta Doorashada Maamulka Jubbaland ee Magaalada Kismaayo,iyadoona gudiga doorashadana loo diiday inay gudaha u galaan xarunta lagu qabanayo Doorashada.

hayeeshee Guddiga Doorashada ee Maamulka Jubbaland ayaa  shaaciyay  in Doorashada Dib loo dhigay illaa Amar dambe,taasi oo u jeedadeydu tahay sidii loo xalain lahaa Musuq maasuqa Laga Cabsanayo inay ka dhacdo Doorashada.

Warar Hoose oo ay heshay shabakada shaaciye24 ayaa sheegaya in  Muaran xoogan  uu ka jiro  Afarta Kursi ee ugu dambeysa Doorashada Xildhibaanada Maamul Goboleedka Jubbaland ka soo galaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa kacsan,iyadoona Laga cabsi qabo in dhibaato badan ay ka dhacdo magaaladaasi.