Ciidamada Dowlada Soomaliya ayaa Howlgal qaatay muddo saacado ah waxa ay ka sameyen degaanka Ceel-abakar oo 15 km dhanka galbeed kaga beegan degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Deegaanka waxaa ku sugnaay Alshabaab Ciidamo ka tirsan Sida ay sheegayan Saraakiisha Hogaamineysay Howlgalka.
Howlgalka ayaa waxaa hogaaminayay gudomiyaha gobolka Shabellaha hoose Ibraahim Aadan Cali Najax saraakiisha ciidanka xoogg dalka ee ku sugan degmada Baraawe iyo maamulka degmada.
Taliyaha ururka 1-aad guutada 3xaad ee Ciidan XDS Gaashaanle Cali Dagaaal Xirsi ayaa sheegay in ciidanka XDS ay gaareen degmada Sablaale halkaana ay ku dileen tiro Askar oo ka tirsan Alshabaab sidii Taliyaha Hadalka u dhigay.
Gudoomiyaha degmada Baraawe Aadan Cumar madoobe ayaa sheegay in Howlgalkaan ciidanka XDS ay ku bacsanayaan shabaab uu sii socon doono.
Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Howlgalka