Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Maxamed Shiikh Xasan Xaamud ayaa siminaar uga furay Akadeemiyada Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuwaasi oo loo soo xuley inay ilaaliyaan ammaanka Goobaha Doorashooyinka.
Xafladda tababarka lagu furayay ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan Ciidanka booliska, iyadoo Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud uu saraakiisha kula dar daarmay inay ka faa’iideystaan siminaarka, islmarkaana ay ku dabakhaan waxa ay halkaan ka barteen goobaha loo xil saaray ilaalintooda gaar ahaan ammaanka goobaha doorashooyinku ka dhacayaan.