Wararka Ciidamo Gadoodsan oo jid gooyo dhigtay Caasimadda Muqdisho. August 18, 2019 Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa saakay xirtay waddada gasha Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho, kaddib markii ay sheegeyn in aysan mushaar qaadan muddo 9 bilood ah. Qaar ka tirsan ciidamada gadoodka sameeyay ayaa warbaahinta u sheegay inaysan mushaar qaadan Sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay, islamarkaana ay go’aansadeen inay gabi ahaanba xiraan wadada ka baxda dugsiga tababarka General Kaahiye ee gasha Airport-ka Muqdisho. Waddada ay saakay xirteen Askar ka tirsan Ciidamada Badda ayaa waxaa inta badan mara mas’uuliyiinta dowladda.
Qaar ka tirsan ciidamada gadoodka sameeyay ayaa warbaahinta u sheegay inaysan mushaar qaadan Sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay, islamarkaana ay go’aansadeen inay gabi ahaanba xiraan wadada ka baxda dugsiga tababarka General Kaahiye ee gasha Airport-ka Muqdisho. Waddada ay saakay xirteen Askar ka tirsan Ciidamada Badda ayaa waxaa inta badan mara mas’uuliyiinta dowladda.