Ciidamo Gadoodsan oo saakay la wareegay Bangiga Magaalada ee Puntland

Wararka aynu ka heleyno Magaalada Galkacyo ayaa waxa ay sheegayan in Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ay la wareegeen Bangiga Magaalada Galkacyo ee Maamulka Puntland.

Ciidamadaan la wareegay Bangiga ayaa la sheegay in ay Gadoodsanyihiin waxaana la ogeyn sababta ka dambeysa in Ciidankaan ay Maanta la wareegaan Xarunta Bangiga ee Wuqooyiga Magaalada Galkacyo.

Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay xireen waddii aadi jirtay Garoonka Gaalkacyo iyaodona ay xusid mudantahay in Wafdi ka socta Qaramada midoobay ay kasoo dagtaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Galkacyo.

Xaalada Bangiga ayaa hada kacsan waxaana weli Gacanta ku haaya Ciidanka Gadoodsan ee ka tirsan maamulka Puntland Saraakiisha Ciidanka Puntland weli kama aysan Hadlin Ciidankaan la wareegay Xarunta Bangiga.