Ciidamo Itoobiyaan ah oo Xiray Xadka Dagmada Balanbale uu la wadaago Kilinka 5aad

Degmada Balamballe ee G/Galgaduud ayaa waxa ay soohdin la leedahay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana ka dhaxeeya xiriir Ganacsi, mid amni iyo daaqa xoolaha.

Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa Gabi ahaanba xiray Xadka Balanbale ay la wadaagto Kilinka 5aad .

C/Risaaq Axmed Xalane,Guddoomiyah Degmada Balamballe ee Gobolka Galguduud ayaa Warbaahinta u sheegay in aysan garaney sababta ay Ciidanka Itoobiya ku xireen Xadka ay degmadaasi la wadaagto maamulka Soomaalida ee Itoobiya maamusho.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in hadda lagu jiro xilli jiilaal ah islamarkaana dadka ku nool dhanka kale Biyaha ay cabayaan Booyado looga qaado Magaalada Balambbale ee Gobolka Galguduud.

C/Risaaq,waxaa uu intaa raaciyay in Degmadaasi uu ka taliyo maamulka Galmudug,islamarkaana uu amnigeedu aad u wanaagsan yahay,wax amni darro ahna aysan dhex marin.

Xiritaanka Xadka labada Maamul ayaa waxa uu Imaanaya Iyadoo Madaxweyne Xasan Shiikh uu Booqasho aan la sii shaacin ku tagay Jig Jiga iyadoona Booqashadiisa ay Dada siyaabo kala duwan uga hadleen waxaana Booqashadiisa ay aheyd tii ugu horeysay oo uu ku tagay Jig jigabinta uu Xilka haayay.

Ciidanka Liyuu Booliska ayuu sheegay in ay maageen xiridda Sohdinta iyada oo Dadka halkaasi ku dhaqan ay u badanyihiin xoolo dhaqato isaga kala goosha labada dhinac.