Ciidamo ka wada Tirsan Dowlada Soomaliya oo Muqdisho uu dagaal ku dhexmray iyo Wariye ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo Dhaawacmay

Dagaal u dhexeeya Ciidamo kala ah Boolis iyo Milatari ayaa Caawa ka dhacay Xaafadda Busleey ee Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ka soo horjeedka Wasaaradda Amniga Soomaaliya.

Dagaalka Ciidamada ka wada tirsan Dowladda ku dhexmaray Degmada Boondheere gaar ahaan ka soo horjeedka Wasaaradda Amniga ayaa Sababay Dhimasho iyo Dhaawac.

Illaa Saddex Qof oo isugu jira Askar iyo Shacab ayaa ku dhintay,waxaana ku dhaawacmay in ka badan intaas.

Dadka Dhaawacmay waxaa ka mid ah Wariye C/casiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ka tirsan Warbaahinta Dowladda.

Wariye Afrika ayaa la sheegay in Dhaawacu uu ka soo gaaray mid kamid ah Labadiisa Lugood.waxaana Xaaladiisa lagu tilmaamay mid Wanaagsan hadda.

Warar kaloo soo baxaya ayaa sheegaya in Wariyaha uu dhintay inkasto warkaasi aan la xaqiijin.

La soco  wixii ka soo baxa