Ciidamo Kumaandoos ah oo La geeyay Magaalada Gaalkayo ee G.Mudug.

?????????????

Wararka Naga Soo Gaaraya  Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa gaaray sida la tilmaamayo Ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandooska Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidaman ayaa sugi doono amaanka Magaalada Gaalkacyo, maadaama dhawaan Maamulada Galmudug iyo Puntland ay ka heshiiyeen colaadii halkaasi ka taagneyd.

Korneel Salaad Xaashi Xagaafaa oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa waxuu shaaca ka qaaday in Ciidamada ay soo gaareen Magaalada Gaalkacyo.

Masuul ka tirsan saraakiisha dowlada oo la hadlay Shaaciye24  ayaa waxuu sidoo kale sheegay in Ciidamada ay ka qeyb qaadan karaan heshiiska xabad joojinta Magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka dhaqan galay heshiiska Xabad joojinta ahaa ee u dhaxeeyay labada Maamulada maadaama arinta Magaalada Gaalkacyo ay soo fara gelisay Qaramada Midoobay.