Ciidanka Ciraaq Ayaa magaalada Ratba dib ula wareegay

Ciidamada amniga ee dalka Ciraaq waxa ay sheegayaan inay si buuxda ula wareegeen magaalada Ratba ee galbeedka dalkaasi.

Dagaal yahanada daacish ayaa weerar ku qaaday magaaladaasi Axaddii aanu soo dhaafnay.

Howlgalka uu Mareykanka hogaaminayo ayaa dhanka hawada ka duqeeyay halkaasi si ciidamada Ciraaq ee dhulka ay u taageeraan.

Duqeynta waxaa lala eegtay gawaari la sheegay inay ku baxsanayeen dagaal yahanada ururla la baxay Khilaafada Islaamka, xilli ay isku deyayeen inay Ratba ka baxaan.

Weerarka daacish ee Ratba wuxuu u muuqday mid ay ku dhabar jebinayeen ciidamada ku wajahan Moosil.

Magaaladaasi oo ah tan labaad ee Ciraaq ugu weyn waxaa ku sii durkaya kumannaan ciidan oo doonaya inay daacish halkaasi ka saaraan.