Ciidanka Nabad sugidda ee Galmudug ku sugan oo soo badbaadiyey haweeney Kenyan ah

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka eek u sugan deegaanada Galmudug ayaa saaka aroortii soo badbaadiyey haweeney Kenyan ah oo u afduubneyd koox Burcad ah.

Howlgalkan oo ka dhacay deegaanka Camaara ee hoostagta degmada Xaradheere ee gobolka Mudug ayaa ilaa hadda wax faahfaahin ah oo dheeri ah laga haynin, hase yeeshee haweeneyda Kenyanka ah ayaa lagu soo warramayaa iney badqabto oo ay haatan gacanta ugu jirto maamulka Galmudug.

Horraantii sannadkan ayaa ciidammada Nabad sugidda Qaranka ee ka howlgala Galmudug waxay howlgal sidan oo kale uga soo furteen Kooxaha Burcadda ah nin la shaqeynayey haweeneydan oo ay afduub ku haysteen.