Ciidanka NISA oo Muqdisho ku qabtay Gaari Waxyaabaha Qarxa laga soo Buuxiyay

Ciidanka Amaanka ayaa Gacanta ku dhigay Gaari ay saaranyihiin Walxaha Qarxa sida ay SONNA u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA.

Gaarigaan oo nuuciisu uu yahay Zuzuki ayaa waxaa lagu qabtay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qaybra lagu iibiyo Daawada, waxaana haatan socda Baaritaan.

Saraakiisha NISA waxay SONNA u sheegeen ka hor qabashada Walxaha Qarxa inay haayeen xogo ku aadan Gaarigaan iyo macluumaad kale oo dheeri ah.

Ciidanka amaanka ayaa Mudooyinkii ugu danbeeyay waxay sii laba jibaareen howlaha Sugidda Amaanka ayaga oo fashiliyay dhibaatooyin badan oo kooxaha Argagixisada ah ay la maaganaayeen Shacabka Soomaaliyeed.