Cunqabataynta Hubka Ee Saaran Soomaaliya Oo Halsano Lagu Kor Dhiyay,

Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa uj codeeyey inay Cunaqabatayntaasi muddo hal sanno lagu kordhiyo, waxayna Xayiraaddaasi socon doonta tan iyo bisha November 15-da ee sannadka soo socda ee 2017-ka.

10-ka xubnood oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee QM ayaa oggolaaday Qaraarkaasi oo tirsigiisu yahay 2317 ee sannadkan 2016-ka, waxaana Codbixintaasi ka maqnaa Wakiiladda Dowladaha Raashiya, Shiinaha, Masar, Angola iyo Venezuela ee ka tirsan Golaha Ammaanka ee QM.

Sidoo kale, Goluhu waxa uu dib u xaqiijiyey Xayiraadda saaran Dhuxusha laga dhoofiyo Somalia, waxaana loogu baaqay Taliska AMISOM inay Maamulayaasha Federalka taageero ka siiyaan sidii gebi ahaan loo mamnuuci lahaa Dhoofinta Dhuxusha Somalia.

Golaha Ammaanka ee QM, waxay kaloo walaac xooggan ka muujiyeen xaalladda Aadminimadda ee ka sii daraysa ee ka jirta Somalia, waxayna si kulul u cambaareeyeen weeraradda sii kordhayo ee ka dhanka ah Shaqaalaha Hay’addaha Samafalka ee ka hawl-gala gudaha Somalia.

Dhinaca kale. Goluhu waxay kaloo muddo kordhin u sameeyey Kooxda Kormeerka QM ee Cunaqabataynta Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea, waxayna Hawsha Kooxdaasi ku ekaan doontaa bisha December 15-da ee sannadka soo socda ee 2016-ka.