Daaw : Alshabaab oo soo bandhigtay sawirro Muujinaya In ay Gacanta ku haayan Deegaanka Moqokori oo Ciidanka Itoobiya ay Faarujiyeen

Iyadoo Dhawaan Dagaalyahanada Alshabaab ayla wareegeen Gacan ku heynta Deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiran ayaa Shabaabku waxa ay soo bandhigeen Sawirrada Deegaanka Moqokori oo ay hada ku suganyihiin dagaalyahanada Alshabaab.

Sawirada waxaa ka Muuqda Dhufeesyada ay Faarujiyeen Ciidanka Itoobiya iyo kuwa Dowlada oo hada ay ka taaganyihiin Calanka Alshabaab lagu yaqaan ee Madowga ah.

Ciidanka ithopiya ee ka baxay degmadaasi ayaa u jiheystay dhanka degmada Maxaas ee isla gobolkaasi Hiiraan, wixi markaasi kadambeyay qoysaski horey uga barakacay degmada Moqokori ayaa bilaabay in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Deegaanka Moqokori 

dsc03599-copy dsc03601-copy dsc03632-copy dsc03633-copy dsc03641-copy dsc03711-copy dsc03725-copy img_8504-copy img_8537-copy img_8544-copy img_8554-copy img_8576-copy img_8605-copy img_8669-copy img_8751-copy img_8765-copy img_8829-copy img_8876-copy img_8966-copy img_8989-copy img_9145-copy img_9149-copy img_9175-copy img_9179-copy img_9208-copy