Daawo: Alshabaab oo soo Bandhigtay Muuqaalka Askari Uganda u dhashay oo ay ku qabteen Weerar ay ku qaadeen Dagmada Janaale

Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa soo bandhigay Askari ka tirsan Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda,kaas oo ay ku qabteen Dagaalkii ka dhacay Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose Sanad ka hor.

Al-shabaab oo Askarigaan ka soo duubay Muuqaal Dhowr Daqiiqo soconaya ayaa sheegay in ay ku qabteen Dagaalkii Janaale ee dhexmaray Ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab.

Askariga ka tirsan Ciidanka Uganda ayaa lagu Magacaabaa Masassa M.Y waxaana uu Ciidamada AMISOM ku soo biiray 2009.

Askariga ay soo bandhigeen Shabaab ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dalka Uganda inuu ka shaqeeyo sidii loo sii deyn lahaa.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka

https://youtu.be/d8BIjQpyzjw

 

photo_2016-09-26_18-41-27 photo_2016-09-26_18-41-43 photo_2016-09-26_18-41-51 photo_2016-09-26_18-41-57