Daawo: Ex-Xildhibaan Maxamed Sh. Cabdi oo soo Bandhigay Ololihiisa Musharaxnimo…

20160916_154854

Ex-xildhibaan Maxamed Sh. Cabdi Sh.Cismaan oo ka tirsanaa Mudanayaasha Baarlamaankii KMG (2009/2010) ayaa mar kale sheegay in uu diyaar u yahay in uu isu soo taago qabashada xilka xildhibaannimo ee deegaankiisa.

Xildhibaan oo kulan qado ahaa magaalada muqdisho kula qaatay odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, aqoonyahanada, ganacsatada iyo dhalinyarada beeshiisa Shiikhaal (Gendershe) ayaa ku nuux-nuuxsaday in uu ka ogolaaday talo ay usoo jeediyeen qaar ka mid ah wax garadka beeshiisa oo ah in uu mudan yahay in xilkaasi xildhibaannimo uu ugu matalo baarlamaanka Federaalka Soomaaliya afarta sano ee soo socota.

Waxgaradkii ka qeyb galay kulankii qadada ahaa ayaa qiray in Mud. Maxamed Sh. Cabdi Sh. Cismaan uu yahay ninka kaliya ee u qalma xilka iyo masuuliyadda adag kursiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxay xuseen in taageerada xildhibaannimo ay u daliishanayaan wax qabadyadii iyo howlkarnimadii uu ku tallaabsaday intii uu ku fadhiyey kursiga baarlamaanka soomaaliya sanadkii 2009.

Maxamed Sh. Cabdi ayaa dhankiisa sheegay in xilligii uu ahaa xildhibaanka federaalka KMG uu dalku ku jiray nidaam Kumeel Gaar ah, fursadihii jirayna ay xilligaas koobnaayeen sidaasi daraadeed uu markan wax badan isku dayi doono in wax qabadka la xoojiyo.

Muqdisho iyo Deegaanada kale ee ay dowladda Gacanta ku heyso waxaa Mudooyinkan si weyn uga soconaya Ololaha Siyaasadda ee Musharaxiinta ay kusoo bandhigayaan Rabitaankooda kuwaasoo isugu jira kuwo isu soo sharaxay Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xildhibaanada Federaalka kuwo u sharaxan iyo kuwo aan si rasmi ah weli u shaacin balse rabitaankoodu ku qotomo xil wasiir.

Halkan kadaawo sawirada

20160916_154854 20160916_151003 20160916_153613 20160916_145826