Daawo: Hey’adda NISA oo Muqdisho ku soo Bandhigtay Sargaal Sare oo Alshabaab ka soo goostay

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa Magaalada Muqdisho ku soo Bandhigay Sargaal sare oo Alshabaab ka tirsan Kaasi oo NISA ay sheegtay in uu isa soo dhiibay.

Sargaalkaan oo NISA ay soo Bandhigtay ayaa waxaa lagu Magacaabaa Ibraahin Aadan Ibraahin {Ibraahin Nadaara} waxaana uuna shabaabka ugu magacownaa Madaxa Xafiiska Waxbarasha Gobollada Baay iyo Bakool. waxaa kaloo sargaalkan uu sheegay in sidoo kale xilal dhowr ah shabaabka ka soo qabtay.

Ninkaan NISA ay sheegtay in uu isa soo dhiibay ayaa Xalay waxa uu Muqdisho kula hadlay Warbaahinta iyadoona su’aalo laga weydiiyay sababaha uu shabaabka uga soo goostay iyo waqtiga ay kusoo dhacday in uu isaga baxo Alshabaab.

“Laga bilaabo Caawa Waxaan cadaynayaa inaan isaga baxay Al-Shabaab, go’aankaan waxaa qaatay labo sano ka hor, waxaana igu dhaliyay markaan arkay sida looga been sheegayo diinta islaamka iyo dhaqan galinta shareecada islaamka, waliba aniga oo ka faa’iidaysanaya balanqaadkii madaxweynaha ee ku aadanaa in qofkii ka soo laabta Al-Shabaab la cafinayo.” Sidaasi waxaa yiri Ibraahim Adan

Halkaan Hoose ka Dhageyso Shirka Jaraa’id Sargaalka isa so dhiibay

 

 

DSCN4328 DSCN4329 DSCN4331 DSCN4332 DSCN4339 DSCN4345 DSCN4346 DSCN4350 DSCN4356