Daawo: Madaxweynaha Jubbaland oo Fal Wuxuushnimo ku Tilmaamay Weerarkii qaraxyada ahaa ee Galkacyo ka dhacay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa si kulul u Cambaareeyay Weerarkii Qaraxyada ahaa ee Maanta ka dhacay Galkacyo isagoona ku Tilmaamay fal Wuxuushnimo ah.

Axmad Madoobe  waxa uu Tibaaxay in qaraxyadaan ay qayb ka yihiin dhibaatooyinka ay Al shabaab ku hayaan umadda, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay gumaadka loo geystay dadka rayidka ah ee maanta lagu qarxiyey magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu ku baaqay in lala dagaalamo oo meel looga soo wada jeensado Dagaalyahanada Alshabaab .

Dhanka kale Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxa uu maanta magaalada Kismaayo kusoo dhoweeyey wakiilka xogyaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Macheal Keating oo maanta soo gaaray magaalada Kismaayo.

Micheal Keating oo caawa ku hoyanaaya magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in uu kulamo dheeraad ah la qaato Madaxweynaha Dowladda Jubbaland.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka