Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida oo 10 Sano Xukun ah ku Riday Rag lagu Eedayay Alshabaab +Daawo Sawirada.

Waxaa Goor sii horeysay oo Maanta ah Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Xukuno ku riday Laba Nin oo lagu eedeeyay inay ka tirsanyihiin Xarakada Alshabaab, Kuwaas oo lagu soo qabtay iyaga oo wada Gawaari laga Soo buuxshay Waxyabaha Qarxa oo ay ku ka xeynayeen Deegaanka Godinlabe Ee gobalka Galgaduud waxaana gacanta ku soo dhigay Ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida Somaliya Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sheegay maxkamada xukun 10 sano oo xabsi ciidan ah ku riday labadan nin oo lagu kala Magacaabo Maxamed Cali Kadiye iyo Xuseen Xaashi C/laahi  uu sheegay in ay ku cadaatay dambigii lagu soo eedeeyay.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida dowlada Soomaaliya ayaa cadeeyay in ragan ay racfaan ka qaadan karaan xukunka xabsiga ah ee lagu riday hadii aysan ku qanacsaneyn .