Daawo Sawirada:Raisul wasaare Cumar C/rashiid oo maanta Muqdisho ku qaabilay wafdi heer wasiir ah oo ka socday dalka Suudan

Wasiirka Kowaad ee xukuumada Somaaliya iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada  ayaa maanta si weyn muqdisho ugu soo dhaweeyay wafdi balaaran uu hogaaminaayo Wasiirka Caafimaadka Sudan Bahar Idris Abu Garda, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda Sudan Kamal Ismail iyo masuuliyiin kale.

wafdigaan ayaa loo soo galbiyay xarunta madaxtooyada Ee Villa Somaaaliya iyagoona kulan  la qaatay Raisul wasaaraha xukuumada Somaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ,waxana ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga qotada dheer ee u dhexeeya labada dal, isagoo soo gaarsiiyey Ra’iisul Wasaaraha Dhambaal uu ka sidey Madaxweynaha Sudan Mudane Cumar Xasan Al-bashiir.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in manta ay noogu yimaadeen Magaalada Muqdisho wafdi ka socda Sudan, kuwaas noo haya niyad wanaag iyagoona dadka Soomaaliyeed marxalad kasta oo soo martay 25 sano ee soo dhaafay ay la qaybsanayeen oo ay garab istaagnayeen, waxaana naga dhaxeya walaatinmo iyo islaantinimo, waxay u yimaadeen Soomaaliya inay idhahooda ku arkaan horumarka ka jira dalka , waana idinku soo dhaweynaynaa Soomaaliya”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

Raysal Wasaaraha ayaa ka codsadey inuu salaan iyo mahadnaq ka gaarsiiyo Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir iyo shacabka Sudan sida ay mar walba u garab taagan yihiin Soomaaliya. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale looga hadlay Arrimaha Iskaashiga Caafimaadka labada dal.

Wafdiga uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Sudane Sayid Bahar Idiris ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta loogu sameeyey Soomaaliya, wuxuna tilmaamay in dalkiisu sii xoojin doonto taageerada ay la garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiiru dawlaha Arrimaha Dibadda.

sudi_1 sudi_2 sudi_4