Daawo Sawirrada: Apple oo Soo Bandhigtay Mobile-ka Cusub ee IPhone7

Maanta waxay maalin weyn ay u tahay shirkadda teknolojiyada ee Apple. Shirkadaasi waxay qabaneysaa bandhig sanadeedkeeda oo xittaa la filayo in lagu soo bandhigo iPhone 7 oo ah nooc telefoon oo cusub.

Telefoonkan cusub waxa uu imaanayaa ayadoo shirkadda kale ee loolanka uu kala dhexeeyo ee Samsung ay joojisay soosaaridda nooca cusub ee Note 7, arrimo beteriga la xiriira aawadood.

Dad badan oo arrimahan taxliiliya waxay filayaan in shirkadda Apple ay iPhone 7-ka ka saartay godka codadka laga dhageysto ayna ku reebtay mid keli ah.

Waxaa kaloo la filayaa in la kordhiyo isbedelka kaydka telefoonka iyo tayada codka.

Noocan cusub ee telefoonka waxaa kaloo la sheegayaa in biyo aysan gali karin oo difaac uu leeyahay, biyaha dhexdoodana uu ku jiri karo illaa 30 daqiiqo.

Laakiin qaabkaas waxaa horey u sameeyay shirkadaha kale ee loolanka uu kala dhexeeyo sida Samsung iyo Sony.

Lama filayo in noocan cusub laga bedelo cabirkii noocyadii hore. Shirkadda Apple waxaa loo maleynayaa inay soo saari doonto laba nooc oo kala ah iPhone 7 iyo iPhone 7 Plus.

Teleefankan ayaa ah mid ka duwan taleefanadii hore isagoo ka yara weyn Iphone 6 kii hore kana yara casrisan, waxuu leeyahay Iphone 7 kaan cusub laba kaamera oo waaweyn oo hore iyo gadaal ah kuwaas sawirada soo dhaweyn kara tayo ahaana ka wanaagsan kii hore .

Sidoo kale waxaa uu la yimid sameecad cusub oo ka duwan kuwii hore maadaama uusan laheyn meel la galiyo sameecada dhagaha oo ay dhagahiisa maqalka yahiin kuwa yaryar oo wire less ama xarig la’aan ah iyadoo laga tagay kuwii fiilada ama xariga ahaa.
Waxaa uu suuqayada Mareykanka iyo kuwa Yurub soo galayaa 16 ka Septemper qiimahana waxaa la iibinayaa Mareykanka 769 Dollar. Ingriiskana waxaa la iibin doonaa 595 geniga Istarlinka ama poundka Biritishka ah halka Sweden iyo Norway la iibin doono 7500 oo Krone qayaastii.

Dhowr milyan oo qof ayaa sii dalbaday teleefankan cusub xitaa aisgoo wali soo baxin iyagoo ka dalbaday website ka shirkadaasi oo la soo saaray haatan.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Naqshada Cusub ee Iphone7

_91055411_eb31b57c-0728-4217-bb99-4418e6664f7b iphone_7_earphones iphone_7_earphoness iphone_7_ipods_earphones iphone_7_new