Daawo Sawirrada: Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka oo Dhaawacyo Halis ah qabay ayaa Loo qaaday Wadanka Sacuudiga

Ciidamo ka tirsan kuwa Qaranka Soomaaliya oo muddooyinkaan ku sugnaa cisbitaalda magaalada Muqdisho ayaa gaaray dalka Sacuudiga Carabiya,kadib kolkii ay madaxda  dalkaasi ka heleen gurmad caafimaad.

Ciidamadaan oo gaaraya 16-askari,ayaa warku intaa ku daray in ay qabaan dhaawacyo kala duwan,kadib markii ay ka qeybgaleen dagaallo looga horjeeday kooxda Al-shabaab,halka qaar kale uu dhaawac ka soo gaaray qaraxyo kale.

Maalinimadii shalay ciidamadaasi bukaanka ah waxaa  Garoonka Diyaaradda ee Aadan Cadde ka qaaday diyaarad  qaar ah oo Dowladda Sacuudiga ay u soo dirtay si dalkaas ay uga helaan daaweyn samofal ah

Wasiirka  Gaanshaandhiga dowladda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ,Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Saraakiil kale,ayaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay ciidamadaasi loo qaaday daaweyn dhinaca dibadda ah.

111 112 113-2 114-1 115