Daawo Sawirrada: Doorashada Aqalka Hoose oo Si Rasmi ah Kismaayo uga Bilaabatay

Magaalada Kismaayo Maanta waxaa ka Bilaabatay Doorashada Xildhibaanada aqalka Hoose ee Dowlada Soomaliya.

Waxaa la filayaa in maanta lasoo doorto xildhibaannad baarlamanka dalka u matali doona ilaa lix beelood oo kala ah;

Beesha Muqaabul /Ogaadeen

Beesha Cawlyahan/Ogaadeen

Beesha Gabaaweyn/Raxanweyn

Beesha Hawraarsame/Mareexaan

Beesha Mushunguli

Beesha Geeladle/Raxanweeyn

Xildhibaankii ugu Horeeyay ee Aqalka Hoose Jubbaland waxaa loo doortay C/rashiid Max’ed Xidig oo hore uga mid ahaa mudaneyaasha baarlamanka dalka Soomaaliya, ahaana wasiiru dowlaha arimaha gudaha dalka.

Cabdi Rashiid Xidig wuxuu helay cod dhan 37 wuxuuna ka guuleystay musharixiintii la tartameeysay ee kala ahayd Max’ed Ismaaciil Shuuriyo oo helay 5 cod iyo maxamuud Max’ed Kuuloow oo isna helay 7 cod.

Doorashada Weli wey socotaa Waxaana Guddiga Doorashooyinka uu sheegay in C/Rashiid maxamed Xidig uu Noqday Xildhibaanka Ugu Horeeya ee soo baxay.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada

14958492_10210683381021526_650266029_n14958638_10210683385621641_1333930547_n14961382_10210683382501563_1399306859_n14961507_10210683387421686_1901491929_n14962864_10210683379701493_708083284_n14971271_10210683380861522_923037840_n14975869_10210683387581690_1865490631_o-1024x57614996288_10210683386701668_354580315_n14996544_10210683387181680_1461489966_n14997001_10210683385301633_1233591352_n14997062_10210683383341584_517980951_n Sawirrada: