Daawo Sawirrada: Magaalada Kismaayo oo Markii ugu Horeysay lagu qabtay Tartan Xiiso Badan oo dhanka Cuntada ah

Magaalada Kismaayo Waxaa Markii ugu Horeysay lagu qabtay Tartan Dhanka Cuntada ah oo ay ku tartamayan 5 Xaafadood ee Magaalada Kismaayo.

Tartankaan waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Maamulka Jubbaland Iyadoona ay Tartankaani ka qeyb galayeen Tartamayaal Matalayay 5 Xaafadood ee Magaalada Kismaayo.

Xaafadaha Ka qeyb galay Tartanka waxa ay kala yihiin:

  • Calanley
  • Farjano
  • Shaqaalaha
  • Faanoole
  • Guul wade

Tartanka waxa uu ahaa Mid aad u xiiso Badan oo soo jiitay Dhamaan Dadkii ka qeyb galay Daawashadiisa waxaana Dadku ay kala taageerayeen Xaafadaha ay ku noolyihiin .

Tartanka wuxuu ku saabsanaay Cunto Cunis waxaana Tartamayaasha ay ku tartamayeen Qaro aad u weyn oo la kala baray waxaana Tartame kaste laga doonayay in uu Noqdo qofka ugu horeyo ee Qaraxa dhameeyo.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland Mohamed Mohamud Yusuf ayaa Goob joog ka ahaa Halka Tartanka uu ka dhacaayay wuxuuna aad u Bogaadiyay Xaafadihii Tartankaan ka qeyb galay ee Magaalada Kismaayo.

Tartanka oo aad u adkaay Waxaa Kaalinta Koowaad kusoo baxay Muktar Haji Abdullahi oo ka socday Xaafada Calanleey .

Kaalinta Labaad waxaa kusoo baxay Kusow Abdullahi Abdikarim  oo ka socday Xaafada Guul Wade.

Kaalinta Seddexaad ee Tartanka waxaa kusoo baxay Hussein Osman oo ka socday Xaafada Farjano ee Magaalada Kismaayo.

Seddexdaas Xaafadood ayaa Tartanka Kaalmaha ugu horeeyso kusoo baxay.

Tartamayaashii ku guuleestay Kaalmaha Hore waxaa Abaal Marin Lacageed oo Jeeg ah ku wareejiyay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Jubbaland.

Tartankaan ayaa Noqonaya kii ugu Horeeyay ee Lagu qabtay Gayiga soomaliya Gaar ahaan Deegaanada Jubbaland Waxaana Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland ay Dadaal xoogan ugu jirtaa sidii ay u hormarin laheyd Garaadka Dhalinyarada Jubbaland ee jecel Ciyaaraha iyo Nabada.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Tartanka

cunto mellon qari wasiirka-sportiga