Daawo Sawirrada: Suuq Weyn oo si Rasmi ah looga Hirgaliyay Dagmada Warshiikh ee Gobolka Sh.dhexe

Suuqan oo loogu talo galay iney ka faaiideystaan shacabka ku nool degmada Warshiikh ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa maanta xarigga ka jaray maamulka degmada Warshiikh, waxaana munaasabadda xarigga looga jarayey ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, maamulka degmada iyo saraakiil ka tirsan AMISOM oo ku sugan degmada Warshiikh.

Qarashaka ku baxay dhismaha suuqan waxaa gacan weyn ka geystay golaha qaxootiga ee Denmark ama DRC, waxaana dhismihiisa uu yimid kadib markii bulshada Warshiikh ay muujiyeen muhiimada uu u leeyahay suuq ay ka faaiideystaan, maadaama mudooyinkii dambe degmadu ay samaynaysay horumar wanaagsan.

Gudoomiyaha degmada Warshiikh Axmed Xuseen (Shiidka) oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha suuqan uu qeyb ka yahay mashaariic kala duwan oo DRC ay ka fulineyso tuulooyinka hoostaga degmada Warshiikh ee gobolka Sh/dhexe.

“Waxa uu qeyb ka yahay in kabadan 20-mashruuc oo DRC ay ka fulineyso Warshiikh iyo deeganada ku dhow, kuwa kalena wey noo harsan yihiin” ayuu yiri

Qaar kamid ah shacabka kunool dagmada Warshiikh ee gobolka Shabeelada dhexe ayaa DRC ku amaanay sida ay uga jwaabtay baahidooda, iyagoo mahad celin u jeediyey.

Labadii sano ee ugu dambeysay degmada Warshiikh ee gobolka Sh/dhexe waxaa laga dareemayey horumar dhinacyo badan leh oo uu ka mid yahay ganacsiga.

IMG_0124 IMG_0136-1 IMG_0137-1 IMG_0156 IMG_0162-1 IMG_0165 IMG_0177 IMG_0187 IMG_0189 IMG_0206 IMG_0215 IMG_0228 IMG_0230 IMG_0236 IMG_0244