Daawo Sawirro: Ciidamada Ammaanka Jubbaland oo Gacanta ku dhigay Saraakiil ka tirsan Alshabaab

Ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM ayaa Duleedka Magaalada Kismaayo ku qabtay Saddex Nin oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab Howlgallo ay halkaas ka fuliyeen.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ayaa soo bandhigay saddexda Nin ee ka tirsan Al-shabaab,waxaana mid ka mid ah ay sheegeen inuu ka soo jeedo Itoobiya oo uu Shabaab u qaabil sanaa Qaraxyada dhulka lagu aaso.

Sargaalka Itoobiyaanka ah ee Ciidamada Jubbaland gacanta ugu jira ayaa Magaciisa lagu sheegay  C/rashiid Mowliid Mubaarak waxaana uu ka tirsan yahay Qabiilka Waleyta Itoobiya sida ay sheegen Saraakiisha Jubbaland.

Ragga la qabtay ayaa waxaa la sheegay in Al-shabaab ay u qaabilsanaayeen Miino dhigista iyo dilalka qorsheysan

Ciidamada Jubbaland kuwa Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOm ayaa Howlgallo ka dhan ah Shabaab ka bilaabay Gobolka Jubbada Hoose.

Hoggaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa horey u sheegay in ay bilowdeen Howlgallo Shabaab looga saarayo Gobolada Jubbooyinka iyo Gobolka Gedo.

1-1-1 2-1-1 3-1-1 4-1-1