Magaalada Cadaado Maanta waxaa la geeyay Ciidamo Dheeraad ah oo ka socda Howlgalka Nabad ilaalina Amisom.
Ciidamada AMISOM ee Maanta tagay Magaalada Cadaado ayaa la Midoobay Ciidan kale oo shalay la geeyay magaaada Cadaado.
Ciidankaan ayaa looga tala galay in ay ka qeyb qaataan Ammaanka Goobaha ay ka dhaceyso Doorashada Aqalka Hoose ee Magaalada Cadaado.
Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug Maxamad Xaashi Carabeey oo Warbaahinta kula hadlay cadaado ayaa sheegay in Ciidankan ay ka qeyb qaadan doonan sugitaanka ammaanka Goobaha loo qorsheeyay in lagu qabto Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose.
Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Ciidamada Amisom ee Cadaado la geeyay