Daawo Sawirro: Daawo Sawirro: Gabadh 10 Sano jir ah oo laga soo saaray Bur Burka dhismayaal kusoo dumay Dhul gariirkii ku dhuftay Talyaaniga

Gabar 10 sano jir ah ayaa laga soo saaray buruburkii daar duntay hoosteeda, iyadoo ku hoos jirtay muddo saacado badan ah Magaalada Amatrice ee Dalka Talyaaniga.

Gabadhaasi yar ayaa gurmad dheeraad ah ay sameeyeen kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa aad u qoday burburka guryaha, dadaal dheer kadibna waxay ku guulaysteen inay ka soo saaraan iyadoo nabad qabta, waxaana goobta durbadiiba ka soo qaaday Aabaheed oo muddo badan ka wel-welsanaa nolosha Gabdhiisa yar.

Dalka Talyaaniga ayaa mar kale waxaa ka dhacay dhul-gariir, kaasoo ka yara fududaa kii kal hore, wuxuuna cabirkiisu gaarayay 4.7, waxaa khasaarihii ka dhacay lagu sheegay inuu ka yara kii ka horeeyay, in kastoo uu isna burbur weyn geystay.

Dhulgariirkii arabacdii ruxay dalka Talyaaniga ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 247 qof, islamarkaana dhaawacay in ka badan 360, sida ay sheegtay hay’adda badbaadinta rayidka Talyaaniga.

Rai’sal wasaaraha Dalka Talyaaniga Matteo Renzi ayaa ku yaboohay 50 milyan oo lacagta Yuuraha, taasoo loogu talagalay in loo adeegsado dib u dhiska goobohii buruburay.
Lacagahaas uu Renzi balanqaaday ka sokow waxa uu joojiyay in canshuuro laga qaado Dadka ay waxyeeladu soo gaartay, wuxuuna bilaabay hannaan cusub oo loogu magacdaray “Guryaha Talyaaniga”, si wax looga qabto guryaha taxadar la’aanta loo dhiso.

Dawladda Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah in laga hirgaliyo goobaha ugu daran ee uu saameeyay dhulgariirkii arbacadii dhacay, iyadoo ay sii lumayso rajadii laga qabay in la helo dad nool oo hor leh.

bur gariir