Daawo Sawirro: Dekedda Hobyo oo Mudo kadib ay kusoo Xirteen Doon siday Shixnad Ganacsi

Dakada Dagmada Hobyo ee Gobolka mudug oo saameyn ku yeelatay burburkii dowladii dhaxe ee dalka soomaaliya ayaa xilligaani waxaa ay u muuqtaa mid ka soo kabanaeysa burburkasi maadama mudooyinkii dambe  xeebta hobyo ay ku soo xeranayeen doonyo ay u raranyihiin ganacasto soomaaliyeed kadib markii kal hore masuuliyiinta galmudug ay sheegeen in ay ku dadaalanayaan sidii loo furi lahaa dakada uguna baaqay ganacsatada soomaliyed in ay wax kala soo dagi karaa dakadasi ayaa waxaa maanta ku soo xertay dooni ganacsi oo ururneyd ganacasto somaliyeed waxaana siday qalab kala duwan oo ay ka keentay dalka dibadiisa .

Doontaasi timid hobyo ayaa waxaa shaqa abuur ka helay dhalanyaro fara badan oo ku nool dagmadasi kuwasi oo mudooyinkii dambe shaqa la’aan haysta madama aysan si wanaagsan u shaqeynin marasadasi .

Sidoo kale maanta waxa la arkayay ardayad dhameystada Culuumada Caafimaadka ee Jaamacada gaalkacyo univesratay oo mudooyinkii dambe howla dawoyin lacag la;an ah ka waday beriga gobolka mudug ayaa waxaa ay ka mid ahayeen dadkii dajinayay doontaasi qalabka sida kuwasi oo shegay in ay muujinayaan sida ay ganacastada looga fadhiyo in ay u istaagan dib u furida dakadaasi iyo dib u dhiska dalka.

Maarayah Dakada hobyo C/risaaq Codweyne oo xeebta kula hadlay Warbaahina ayaa waxa uu sheegay in dakada ay shaqeyso loogana fadhiyo dadka reer galmudug in gacantooda ay soo gaarto dakadasi.

Duqa dagmada Hobyo Cabdilaahi Maxamed Faat aya sheegay in qalabkii lagu dhisi lahaa dakada dhawaan la keen doono magalada hobyo isagoona intaasi ku daray in ay jiraan dad ka soo horjeeda dhismaha isha dhaqalaha galmudug balse aan loo joojin doonin

Dhanka kale waxaa bisha soo socota la filayaa in uu bilowdo dhismaha dekada, oo ay fulinayso shirkad ciraaqi ah, taas oo sheegtay muddo 18 bilood ah ay ku dhisayso dekada, inkasta oo ay macquul tahay in dib dhac jiro.

Degmada Hobyo ayaa hadda cagta saartay wadadii hormarka, waxaana bulshadu 400 kun oo dollar mashruuc ah u doorteen in garoonka diyaaradaha lagu dhiso, taas  oo ka dhigan in hadii mashruucaas guuleysto in sare u kici doono dhaqaalaha Hobyo, sidoo kale waxaa socda qorshaha dhismaha iskoolka magaalada.

 

hobyo1-1-640x360 hobyo2-1-640x360 hobyo3-1-640x360 hobyo4-1-640x360 hobyo5-640x360 hobyo6-640x360 hobyo7-640x360 hobyo8-640x360 hobyo10-640x360 hobyo11-640x360 hobyo13-640x360