Daawo Sawirro: Doorashadii Xubnaha Aqalka Sare ee Maanta ka dhacday Magaalada Garoowe iyo Liiska Xubnaha oo Dhameystiran

Waxaa goordhow lasoo gabagabeeyay doorashada xubnaha maamul goboleedka Puntland u matalaya Aqalka sare ee Baarlamanka Dalka Soomaaliya, iyadoo ay ku loollamayeen 29 Mudane oo Siddeed ka mid ihi ay ahaayeen Haween.

Xubno la saadaalinayay inay soo baxayaan sida Gen Moorgan iyo Cali Ismaaciil Cabdi Giir ayaa afka ciida loo daray kadib markii loolan adag kadib laga guulaystay.

Halkaan Hoose ka Aqriso Liiska xubnaha aqalka sare ee Puntland.

1.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake
2.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamud Faroole
3.Prof Cabdirisaaq Xasan Cismaan Juurile
4.Farxaan Cali Xuseen
5.Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere
6.Mahad Daahir Shiikh Nuur
7.Hodan Maxamuud Cismaan
8.Bootaan Bare Samatar
9.Maxamed Axmed Maxamuud
10.Siciido Xasan Cismaan
11.Shugri Aadan Maxamed.

Maamulka Galmudug wuxuu Noqonaya Maamul Goboleedka Afaraad ee soo Gaba gabeeyay doorashada Xubnaha Aqalka Sare islamarkaana soo Gudbiyay Xubnihii laga sugaayay waxaana Horay usoo Gudbiyay Maamulada Galmudug, Jubbaland, iyo Koonfur Galbeed Puntland ayaana Hada soo gudbisay.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada:

large-2 large-5 large-6 large-7 large-9 large-10 large-11 large-12 large-13 large-16 large-17 large-18 large-19 large-20 large-21 large-22 large-23 large-24 large-25 large-26 large-27 large-28