Daawo Sawirro: Galmudug oo soo Bandhigtay Gaari Dagaal oo Duqeyn Dhanka Cirka ah looga gub

Masuuliyiinta Maamulka Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo ayaa Saxaafadda ugu soo bandhigay Deegaanka Jeexdin ee Gobolka Mudug gaadiidkii ay saarnaayeen Askarta ka tirsan galmudug ee la duqeeyay.

Gaadiidka oo ay ka muuqato Duqeynta lagu garaacay ayaa askartii saarnaa ay geeriyootay, inkastoo Galmudug ay sheegtay tirada askarta inay gaarayaan ilaa 10.

Saxaafadda ayaa la geeyay deegaanka Jeexdin, halkaasi oo Sawiro laga soo qaaday ay muujinayeen Khasaaraha ka dhashay Duqeynta.

Guddoomiye ku xigeenka Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug C/raxmaan Maxamed Axmed, ayaa sheegay gaadiidkii ay la socdeen ciidamadaasi in gabi ahaanba ay basbeeleen, kadib markii Duqeymaha lala dhacay.

“Ciidamo Galmudug ayaa la soo weeraray Xero ciidanka ay ku leeyihiin dhinaca Bari ee Magaalada Gaalkacyo labo Baabuur ayaa la duqeeyay 10 nin ayaa meesha ku dhintay oo hada meydkooda bac aan ku aruurinay Diyaarado ayaa duqeeyay, Diyaaradaha Mareykanka waaye ee Garoonka Gaalkacyo Saldhiga ku leh.” Ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Gaalkacyo ee Galmudug.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada

1475055743b2260 14750557141c148 14750557162fa95 147505571929a5c 147505573976e2f 1475055704695b3 1475055727248ed 14750557091666a 147505570196320 147505572333103 147505572528551 147505573545716 fb_img_1475054002010 fb_img_1475054005274 fb_img_1475054010213 fb_img_1475054012419