Wafdi Balaaran oo uu Hogaaminaayo Guddoomiye ku Xigeenka Labaad ee Baarlamanka Federaalka Mahad Cawad Cabdala ayaa Maanta waxa ay gaareen Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa ku soo dhaweeyay Magaalada Galkacyo Iyadoona Wafdi ay halkaasi soo dhaweyn balaaran kaga gudoomeen waxgarad iyo amsuuliyiin.
Socdaalka ka dib Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka warbixiyay ujeedka socdaalka uu ku tagay magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka mudug waxaana uu sheegay in ujeedka safarkiisu uu yahay mid la xariira sidii uu ugu kuurgali lahaa xaalada dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii nafti halignimada aheeyd ee dhawaan ka dhacay magaalada galkacyo waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in puntland iyo dowlada fadaraalka soomaaliyeed iyo guud haan umadda soomaaliyeed laga rabo ineey iska kaashadsaan sidii laysaga qaban lahaa kooxaha nabadiidka oo uu tilmaamay in aysan ogaleeyn nabadda iyo horumarka ummada soomaaliyeed
Socdaalka uu ku tagay Magaalada Galkacyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa kusoo beegmaya xilli isbitaalada magaalada Galkacyo lagula tacaalayo qaar ka mida dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii lala beegtay xarunta dowlada hoose ee dagmada Galkacyo ee Puntland iyo Suuqa xero Dayax eek u yaala agagaarka xarunta Dowlada hoose ee Galkacyo Puntlanad.