Daawo Sawirro: Maamulka Puntland oo Boosaaso ku soo Bandhigay Rag la sheegay in ay ka Tirsanyihiin Alshabaab iyo Daacish

Ciidamada ammaanka Maamulka Puntland iyo Maamulka Gobolka Bari, ayaa Magaalada Boosaaso waxa ay ku soo bandhigeen xubno ka tirsan Daacish iyo Shabaab, balse ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen.

Wararka ayaa sheegaya saddexdaan ruux ee ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen in labo ka mid ah lagu qabtay Koontaroolka Magaalada Boosaaso, halka ruuxa saddexaad lagu qabtay Garoonka Boosaaso.

Axmed Aadan Cabdulaahi Aw-Cabdi (Shaafici), ayaa sheegay inuu ka mid ahaan jiray Ururka Shabaab, balse markii dambe uu ku biiray Kooxda Daacish ee Buuraha Galgala ku sugan.

Muuse Aadan Maxamed oo naaneestiisa ay tahay (Gaaldile) ayaa isagana waxa uu sheegay inuu ka tirsan yahay Ururka Shabaab.

Ninka Saddexaad oo magaciisa la dhaho Cabdulaahi Ibraahim, ayaa 15 maalin ka hor wuxuu ka soo baxsaday Ururka Al Shabaab, wuxuuna sheegay inuu ka cabsi qabo Shabaabka inay dilaan.

Masuuliyiinta laamaha ammaanka Puntland ayaa sheegay inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan xubnahaasi ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen.

 

1471760435f2543 1471760437a4306 1471760443d16b9 14717604405fcc7 14717604466aaf6 147176044712ed3