Daawo Sawirro: Madaafiicda lagu garaacay Xarunta Wasaarada Gaadiidka oo Qasaaro kala duwan ay ka dhasheen

Waxaa Faah Faahin dheeraad ah ay ka soo baxaayan Madaafiic Manta kusoo dhacday qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Goobaha Madaafiicda ay ku dhaceen waxaa ka mid ah Xarunta Wasaarada Gaadiidka ee Dowlada Federaalka Halkaasi oo ay waxyeelo dhaawacyo ah ay ka soo gaadheen ilaa 3 Ruux sida uu warbaahinta u sheegay Cabdi Fitaax Cumar Xalane Af-hayeenka Maamulka Gobolka Banaadir.

Xalane ayaa sheegay in Dhimashada ka dhalatay Madaafiicda ay tahay Hal Neef oo ari ah oo Goobta ku geeriyooday kaasi oo ay haleeshay Madaafiicda

Sidoo kale waxaa qasaaro ay soo gaariin ilaa laba gaadiid Nooca Raaxada ah kuwaasi oo ay ku ahbsadeen Madaafiicdii ku soo dhacday xarunta Wasaarada gaadiidka.

Madaafiic ayaa sido kale waxa ay ku dhaceen dagmada Boondheere ee Gobolka Banaadir Inkasto Afhayeenka Gobolka uusan soo hadal qaadin qasaaraha ka dhashay.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada gaadiidka Gubtay.

FB_IMG_1471787927555 FB_IMG_1471787931516 FB_IMG_1471787936502 FB_IMG_1471787938675 FB_IMG_1471787941593 FB_IMG_1471788003784 FB_IMG_1471788036497