Daawo Sawirro: Madaxweynaha Jubbaland oo lagu Wareejiyay Qalab Isgaarsiin oo loogu tala galay Ciidanka Booliska

Madaxweynaha Maamulka Jubaland,Ahmed Maxamed Islaam ayaa Kormeeray Saldhiga Dhaxe ee Magaalada Kismaayo. Waxaa uuna qalab isgaarsiinta Ciidamada Booliska uu ka gudoomay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaaliyeed Maxamed Sheikh Xasan Xaamud.

Kormeerkan Waxaa si wada jir ah u sameenayey Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Jubaland iyo Sareeye Guud Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, sidoo kale waxa qeyb ka ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Jubaland, Taliyaha Ciidamada Jubaland Iyo mas’uuliyiin kale.

Saldhiga Dhaxe ee ay kormeerka Maanta ku tageen Masuuliyiintan Waxa ku sugaa Cutubyo katirsan Ciidamada Booliska Jubaland Kuwaa oo la barayo Sedex taqasus oo kale ah dembi baari, Baambeyda iyo isgaarsiinta.

Madaxweynaha Jubaland iyo Taliyaha Booliska  ayaa Marka hore kormeeray Qeybta Isgaarisinta.iyadoona eegay habka ay uwada xiriiraan Ciidamada Booliska ee kala jooga Magaaloyinka Dalka Sida Garoowe, Galkacyo, Jowhar, Beydhabo iyo Taliska Guud ee Muqdisho.

Qeybtani Waa Baambeyda Tiro katirsan Ciidamada Booliska Jubaland ayaa mudo lagu barayey Habka loo garaaco Bambeyda.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed  Islaam ayaa u mahadceliyey Booliska FS.Waxaana la dardaarmay Ciidamada kala duwan ee Booliska Somaliya. Isagoona sheegay in Nabbad walba oo dalka ka hirgasha ay saldhig u yihin Booliska.

IMG_1882-630x420 IMG_1897-630x420 IMG_1900-630x420 IMG_1952-630x420 IMG_1956-1-630x420 IMG_1956-640x427