Madaxweynaha Dowlada Galmudug Mudane Cabdi Kariim Xuseen Guuleed oo Howlo caafimad u jooga Dalka India ayaa dhawaan waxaa lagu Sameeyay Qaliin lagu guuleystay waxaana qaliinkaasi sameeyay dhaqtar hindia ah .
Madaxweynaha ayaa baxnaaninta qalliinka lagu guuleytay ka dib wauxuu xalayto casha sharaf la qaatay dhaqtarkii qalliinka sameeyay,wuxuuna si weyn u bogaadiyay hawsha baaxadda leh ee uu qabtay Dr;Ramakanta Panda.
Dr Ramakanta Pand oo ah Dhaqtarka Qaliinka ku sameeyay Ayaa ku Wargaliyay in Xaaladiisa ay Tahay Boqolkiiba Boqol isla markana uu Dalka ku Laaban karo si Shaqadiisa uu u Sii Wato,
Kulanka Casha sharafta ee madaxwyene Guulled uu u sameeyay Dhaqtarkii ku guuleystay qaliinkiisa waxaa sidoo kale madaxweynaha garabkiisa joogtay Marwadiisa Marwo Khadiija Maxamed Al-makhsuumi oo ah Safiirada soomaliya u fadhisa dalka Pakistan.
Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed ayaa howlo caafimaad ugu safray dalka Hindiya Saddex Todobaad ka hor, waxana la rajeynayaa inuu sida ugu dhaqsiyaha badan dalka ugu soo laabto si uu u sii ambaqaado howlahii hoggaamineed ee maamulka Galmudug.