Daawo Sawirro: Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Maanta furay shirka wada tashiga odayaasha soo xulaya Ergooyinka dooranaya Baarlamaanka somalia qeybta Galmudug

Madaaxweyne kuxigeenka Galmudug oo daahfuray shirka wadatashiga odayaasha deeganada galmudug ku waas oo soo xulidoona baarlamaanka cusub ee federaalka qeybta ka imaaneysa Galmudug .

Maanta ayaa madaxweyne kuxigeenka Galmudug maxamed xashi cabdi waxa uu sirasmi ah ufuray shirka wadatashiga odayaasha deeganada galmudug.

Odayaashaan ayaa waxa ay kadoodi doonaan qaabka loo soo xulayo ergooyinka lafilayo in ay soo doortaan baarlamaanka cusub oo ay yeelandoonto soomaliya qeybta ka soo jeeda deegaanada galmudug , intooda badan odayaasha ayaa soo xaadiray madasha shirku kagurmay ayadoona la sugayo kuwo kale oo dhawaan soogaaraya.

Ugu horeyn waxaa shirka ka hadlay gudoomiye ku xigeenka gudiga doorashooyinka dadban marwo Sahro ayaa soo jeedisay sida ay odayashaan ugu soo diyaargarobeen fududeynta howlaha doorshooyinka somalia qeybta galmudug waxaana kufaraxsanahay sida wanaagsan ee wax usocdaan ayadoona sharaxaad guud kabixisay hanaanka wax u socondonaan mudada shaqadu socoto.

Gudoomiyaha gudiga ayaa meesha ka hadlay waxa uuna sheegay in loobahanyahay horo usocod wali shaqadeena hakad magalin waxaana rajeyneynaa in shaqada aan si aan eex kujirin aan ugudan doono majirto cid aan sigaar ah ugu hiilineyno ama aan cid gaar ah riixi doono gudigaan waa gudi umada galmudug u dhexeeya.

Wasiir dowlaha arimaha gudaha iyo dowladaha hoose Galmudug cumar guureeye ayaa asna meesha kahadlay waxa uuna sheegay in wasaarada arimaha gudaha galmudug ay qadaneyso kaalinta uga aadan doorashooyinkan waxa uuna ku soo dhaweeyay madaxweyne kuxigeenka Galmudug maxamed xashi cabdi.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa ka hadlay dhoor arimood oo ugu horeeyso amaanka soodhaweynta odaysha habka wax usoconayaan , midnimada reer galmudug waxaan rabaa in aan sheego in aan wax kasta u dhabar adeegno si aan aan ugaarno hiig sigeena. Amaanka waxaan ku dadaaleynaa in aan amaanka xooga saarno horana waan is kugu howlanay waxaan qabanay gudiyo amaanka gaar u ah waxaana ku xirnay gudiga amniga doorshooyinka heer federaal somalia si aan dhankasta uga dhisnaano habac sanaan uga fogaano.

Odayaashaan waa odayshi soo dhisay Galmudug hanada fursad beynootahay in aan markale ay soo dhisaan dowlad federaal ah waxaa idinka dooneynaa in aad cadaalada u hiilisaan majirto cid la dhahayo sidaan yeel lakiin waxaa la idinka doonayaa in aad kafekertaan masiirka umada somaliyeed oo dad xilkas ah keentaan . Dowladana waxa ay markasta idinla garabtagantahay hiil iyo hoo wixii aad uga baahataan waana wada joogeynaa hadana shirka wada tashiga odayaasha deeganada Galmudug si rasmi ah ayuu noogu furanyahay waadna mahadsantihiin

W/Q: m beereey

14124231_10205796972602327_449811971_o14138951_10205796972562326_374010827_o - Copy - Copy14138951_10205796972562326_374010827_o - Copy14138951_10205796972562326_374010827_o14151782_10205796971962311_398506756_o - Copy - Copy14151880_10205796906000662_680881545_o - Copy - Copy14159708_10205796884920135_728328777_n - Copy - Copy14159708_10205796884920135_728328777_n - Copy14163597_10205796973722355_174550798_o - Copy - Copy14163597_10205796973722355_174550798_o - Copy14163984_10205796902400572_731159652_o - Copy14171802_10205796886120165_1823023907_n - Copy - Copy14171802_10205796886120165_1823023907_n - Copy14171802_10205796886120165_1823023907_n14172060_10205796884880134_194650781_n - Copy14182615_10205796885320145_1125937274_n - Copy - Copy14182615_10205796885320145_1125937274_n - Copy (2)14182615_10205796885320145_1125937274_n - Copy14191632_10205796884520125_1658726352_o - Copy - Copy14191720_10205796883680104_833739118_o14194451_10205796885120140_1770980584_n